Jazz Hampton Oo U Sharaxan Duqa Magaallada
Dadka Ayaa ka Muhiimsan Siyaasada.
Waan ku salaamay, dariska.
Magacaygu waa Jazz Hampton. Waxaan ahay aabe, daris, mulkiilaha ganacsi yar, qareen, macalinka, iyo qareenka bulshada ee mudada dheer, waxaana u tartamayaa Duqa Soo Socda ee Magaallada Minneapolis.
Waxaan ku noolaa inta badan noloshayga aana joogay magaaladaan cajiibka ah–haddana waxaan qoys ku korsadaa South Minneapolis.
Minneapolis maaha keliya gurigayga; waa qayb iga mid ah.
Waxaan ahay buundo dhise hormuud u ah xushmad oo mideeya bulshada. Aniga oo khibrad sanado ah u leh cadaalada, sinaanta, badqabka, guriyaynta iyo fursad, waan aqaanaa waxa loo baahan yahay si loo abuuro isbadel dhab ah.
Waxaan aaminsan nahay in dadku ka Muhiimsan yihiin Siyaasada–waayo Minneapolis waxay xaq u leedahay hogaamiye muhiimada koobaad siiya bulshada.
Qofna lama tartamaayo. Waxaan u tartamayaa magaaladeena iyo dantiina.
Aan biloowno cutub cusub oo Minneapolis gaarto si wadajir ah.
Higsiga Jazz Hampton la damacsan tahay Minneapolis
Xalal Dhab ah, Hogaamin Geesinimo leh. Magaalladu Noo Wada Adeegaysa Dhammaanteen. Badqabka dadwaynaha ee Qof Kasta
Maal gelinta kahortaga danbiyada: balaarinta kooxaha caafimaadka dhimirka, kahortageyaasha rabshadaha, iyo barnaamijyada dhalinyarada si loo joojiyo danbiga kahor inta uusan dhicin.
Dib u dhiska kalsoonida ayadoo loo maraayo isla xisaabtan: xaqiiji kormeerka hufnaanta, adkaynta dib u habaynada booliiska, iyo abuurista nidaamyada badelka u ah gurmadka hubaysan marka ay haboon tahay.
Abuur nidaamka badqabka oo u adeegaaya qof kasta: diirad ku saaridda booliiska danbiyada hubaysan, balaarinta cadaalada dhaqan celinta, iyo xaqiijinta in dhammaan xaafadaha si siman loo difaaco.
Guriayn leh Sharaf
Xoojinta gurmadka hooy la'aanta cadaalada ah oo lagu baxshay kooxaha la balaarshay, adeegyada isku xiran, yareynta khatarta, iyo hanaanka diirada saaraaya marka koobaad guriyaynta.
Boobsiinta dhismaha guryaha ayadoo la boobsiinaayo ansixinta, kaalmaatiga qiimaha jaban, iyo hormarinta casriga ah.
Balaarinta mulkiyadda guryaha ayada oo la adeegsanaayo barnaamijyada la heli karo, maalgashiyada bulshada, iyo taageerada bulshooyinka awal la faquuqi jiray.
Kobaca Dhaqaalaha iyo Difaaca Shaqaalaha
Abuurista Xarunta Khayraadka Ganacsiyada Yaryar oo leh caawimaada sharciga iyo xisaab xirka oo bilaash ah, daymo dulsaar yar, iyo boobsiinta ogolaanshaha
Furista mashruuca "Iibso Wax soo saarka Maxlaiga ah" oo lagu dabaqaayo agabka magaaladu iibsato
Xaqiijinta Shahaadada Mushaarka Nolosha Ku Filan oo wata canshuur dhaafyada ganacsiyada bixiya mushaaraadka iyo dheefaha cadaalada ah
Abuurista Gudiga Ganacsiyada Yaryar iyo Shaqaalaha si loo abuuro xalal u shaqeynaaya qof kasta
Balanqaadkayga Ilaalinta Xuquuqdiina
Ilaalinta xoriyadda madaniga ah—Ma jiraan shardi dhaafyo
Ilaalinta xuquuqda taranka iyo LGBTQ+
Ku haynta Minneapolis magaallo qaxootiga difaacda
Soo afjariida isir takoorka iyo baaritaannada sharci darada ah
Dhisida magaallo qof kasta xor u yahay
Si wadajir ah, waxaan dhisi karnaa Minneapolis amaan badan, awood badan, cadaalad badan—unna dhaxaysa dhabtii dadka oo dhan